August 19, 2019

Madaxweyne Ku-Xigeenka Puntland Oo Qaadacay Guddi Uu Magacaabay Madaxweyne Deni


Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash ayaa ka hor yimid Guddiga KMG ah Doorashooyinka Puntland ee uu Magaacaabay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.
Axmed Karaash ayaa sheegay in Madaxweyne Deni uusan latashin kala sameeyn magacaabista Guddigaas,isla markaana aysan waxba ka jirin magacaabista Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland.

ar qoraal ah oo ka baxay Xafiiska Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Ismaan Karaash ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga uu yahay mid sharci darro ah,sidoo kalena uu ka hor imaanayo Dastuurka Puntland.

Hoos ka Akhrsio Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Axmed Karaash.




Lorem ipsum is simply dummy text of the printing and typesetting industry.