Erayga ‘miisaaniyad’ waxa uu ka yimid tusaalle dhulalka, baabuurta IWM, iyo canshuuraha kale.
- Dakhliga aan cashuurta lahayn: Dakhliga soo noqnoqda ee ay dawladdu ka hesho ilo aan ahayn cashuuraha sida shirkada ay iyada leedahay ama shirkad ay dowlada saami ku leedahay sida shirkadii diyaaradaha hore Somali Airlines, hadda waxaa tusaalle ah Qatar Airways iyo Turkish airways, sidoo kale qaraashka ay dowlada la hesho shaqooyinka ay qabato iyo sida bixinta jinsiydaha baasboorka, dal ku galka, bixinta shatiyada ganacsi iyo caawinaad ay dowlada ka hesho dowladdo kale ama ururada ay xubinta ka tahay sida Qaramda Midoobay (QM), Midowga Afrika (MA).
Maxay ku kala Duwanyihiin Miisaaniyada Shirkadaha gaarka ah iyo Dowlada
- Maaliyadda shirkadaha gaarka ah had iyo jeer waa arrin qarsoodi ah halka miisaniyada dowlada ay tahay arrin u furan bulshada qof kasta oo muwaadin ah ayaa ka doodi karo ka hor inta aan la ansixin.
- Maaliyadda shirkadaha gaarka ah waxay dib u dhigi kartaa kharashaadkooda gaarka ah halka aysan dowladdu dib u dhigi karin qarashada ku baxo addeegyada ay dowlada qabato tusaalle qarashadka ciidanka iyo waxbarashda dibaa u dhignay sannadka qarash uma hayno ciidanka iyo iskuulada dowlada waa fasax sannadkan oo dhan waa inoo sannadka dambe halka Shirkadaha gaarka ah ay dib u dhigan karaan shaqooyinka qaar ah ay qabtaan tusaalle waxay dhehi karaan sannadka wax masoo dhoofsanayno keedkii sadkii hore isticmaalaynaa si qarashka noogu yaraaado.
- Shirkadaha gaarka ah waxay raadiyaan faa’iido waqtiga dhaw keed badan oo mushtaqbalka ahna malahan halka ay dowlada raadin wax faa’iido u gaar ah waxayna diirada saran Qorshada mudada dheer, sida qorshihii shanta sanno ahayd ee dowladdii Soomaaliya isticmaali jirtay waxaana diyaarin jiray wasaarada qorsheynta. Wadamada qaar qorsheyntooda waa tobban sanno.
- Dowladdu marka ay jirto xaaladaha adag oo dhaqaallo yaraan ah waxay u addeegsan kartaa daabacaadda lacagta si ay u noqoto il dakhli oo dheeri ah inta lagu jiro xaaladaha degdegga ah sida dagaalka, dhibaatada maaliyadeed, dhulgariir iyo masiibooyinka kale ee dabiiciga ah halka shirkadaha gaarka ah aysan dakhli soo kordhin karin iyagoo lacag daabacaayo, daabacaada lacagaha kaliya waxaa awood u leh bankiga dhexe ee dowlada (Bangiga Dhexe ee Soomaaliya).
- Miisaaniyadda dheeraadka ah (haddii lacagaha miisaniyada wax kasoo haraan) waxay mar walba u roon tahay Shirkadaha gaarka ah halka Miisaaniyadda dheeraadka ah dawladdu aanu u fiicnayn waxay ka dhigan tahay laba arrimood midkood noqonee in dowlada dadka kasoo aroorisay lacago badan taasi macnaheedu tahay in shacabka la saaray canshuur xad dhaaf ah oo aysan awoodin waxayna keenaysa in lagula xisaabtama sababta lacago laga maarmi karay loo soo arooriyay, mida kale miisaaniyada lacago ku soo harin karaan waa in dowlada shaqooyin lagu talagalay in ay qabato ay ka gaabisay oo sidii la rabay loo qaban, Lacagaha ay dowlada soo arruurinayso iyo barnaamijyada dowlada qabanayso waa inay islahadan oo isla dhammadaan si shaqooyinka dowlada u ahaadan mid hufan oo cad (Transbarancy) halka shirkadaha aysan ku qasabanayn inay qarashadka ay helayaan shaqooyinkooda islahadaan lacagaha dheeraadka ah shirkada usoo haro waxaa qeebsanaayo saamileyda shirkada (Shareholder).
- Dowladu waxay diyaarinaysaa oddoroska qarashaadkeeda iyo barnaamijyadeeda si Sanadle ah labo iyo toban bilood halka Shirkadaha gaarka ahi aanay xaddidnayn waxa laga yaabaa inay barnaamijyadooda noqoto toddobaadle, bille, ama sannadle hadba waa sida ay ku heshiiyaan saamileyda shirkada (Shareholders)
- Dowladu waxay diyaarinaysaa oddoroska qarashaadkeeda iyo barnaamijyadeeda si Sanadle ah labo iyo toban bilood halka Shirkadaha gaarka ahi aanay xaddidnayn waxa laga yaabaa inay barnaamijyadooda noqoto toddobaadle, bille, ama sannadle hadba waa sida ay ku heshiiyaan saamileyda shirkada (Shareholders).
Muhiimada ay leedahay Miisaaniyadda dowladda
- Siyaasadda miisaaniyada, Dawladdu waxay hiigsanaysaa in ay dib-u-habeen ku samayso kheyraadka si waafaqsan dhaqalaha (kor u qaadida faa’iidada) iyo mudnaanta bulshada (daryeelka guud) ee dalka. Dawladdu waxay saameyn ku yeelan kartaa qoondaynta kheyraadka iyada oo loo marayo si waafaq sharuucda iyo dastuurka dalka
- Miisaaniyadda dawladda waxaa loo isticmaalaa si looga hortago isbedbeddelka ganacsiga ee sicir-bararka ama qiimo-dhaca si loo gaaro ujeeddada xasilloonida dhaqaalaha. Dawladdu waxay rabta inay xakamayso wejiyada kala duwan ee isbedbeddelka ganacsiga iyada oo loo marayo siyaasaddeeda miisaaniyadeed. Siyaasadaha miisaaniyada dheeraadka ah inta lagu jiro sicir bararka dowlada waxay isku dayaysaa inay xakamayso haddi sacirka maciishada kor u kaco dowlada waxay samaynaysaa canshuur dhaaf raashirka si xasilooni dhaqaale loo helo bulshda dhexdeeda.
- Sinnaan la’aanta dhaqaale waa qayb ka mid ah nidaam kasta oo dhaqaale. Dawladdu waxay rabta inay yarayso sinnaan la’aanta dakhliga iyo hantida, iyada oo loo marayo siyaasaddeeda miisaaniyadeed. Dawladdu waxay hiigsanaysaa in ay saamayn ku yeelato qaybsiga dakhliga iyada oo cashuurta ku soo rogtay dadka taajiriinta ah, wax badana ku bixinaysa daryeelka dadka saboolka ah. Waxay hoos u dhigi doontaa dakhliga dadka taajiriinta ah waxayna kor u qaadi doontaa heerka nolosha dadka saboolka ah, sidaas darteed waxay yaraynaysaa sinnaan la’aanta qaybsiga dakhliga.
- Miisaaniyadda dawladdu waxay rabta inay yarayso kala duwanaanshiyaha gobolka iyada oo loo marayo siyaasaddeeda cashuuraha iyo kharashaadka ee lagu dhiirigelinayo in golbada liito dhaqaalo ahaan in dowlada dhexe ay kabto tusaale Gobalada dalka isku mid maahin qaar ayaa leh qeeraad badan oo dabiici ah sida wabiyo dhul beerashda ku haboon, celal laga qudo shiidaalka halka gobolada qaar ay laheen wax qareed ah sida wabiyada iyo dhul beerasdha ku ahboon dowlada dhexe waxay isku dayaysaa inay isku mid ka dhigo nolosha dadka ku nool gollada dalka oo dhan.
Marxaladaha Dejinta iyo ansixinta miisaaniyada
Dejinta miisaaniyada, Wasaarada Maaliyada oo xubin ka ah laanta fulinta xukuumadda ayaa dejisa qabyo qoraalka miisaaniyada kadib waxay u gudbinaysaa gollaha wasiirada si ay u ansixiyaan kalafadhiga gollaha wasiirada ayaa lagu ansixiyaaa.
Ansixinta miisaaniyadda: Sharci-dejinta ama baarlamaanka, ayaa dib u eegis ku sameeyay oo wax ka beddela miisaaniyadda ka dibna waxay meelmariyeen sharciga miisaaniyadda iyagoo u coddeynaya aqlabiyadda golaha coddeenta kadib ayey ansax noqonaysaa miisaaniyada sannadka soo socdo lagu shaqeen lahaa.
Dhaqan gelinta miisaaniyadda: Xukuumadda (laanta fulinta) ayaa soo urruurisa dakhliga iyo kharashaadka sida ku cad qoondaynta sharciga miisaaniyadda.
Kormeerka miisaaniyadda: Kormeerka miisaaniyada, xisaab xidhka miisaaniyada waxaa baarayo hanti dhoowraha qaran kadib dhammaadka sannadka ayuu la waddaggaa baarlamaanka xisaab xirka miisaaniyadda qaraashaadkii baxay asigoo ka horjeedinaayo kala fadhiga barlamaanka si su’aalo ugu waydiiyaan xildhibaanada
